Xiliga uurka oo maskaxdu aysan daganayn waxay u badan tahay in ay saamayso shaqsiyadda canuga - BBC News Somali (2024)

Xiliga uurka oo maskaxdu aysan daganayn waxay u badan tahay in ay saamayso shaqsiyadda canuga - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Halista carruurtaas soo wajahda ayaa 10 jibaar ka badan kuwa kale, sida ay tilmaamayso cilmi baaris cusub oo la soo saaray.

Xataa daganaansho la'aanta maskaxeed ee aan badnayn balse wakhti dheer jirta ayaa saamayn karta kobaca uu samaynayo ilmaha uurka ku jira, dhibaatadaas ayaana sii socon karta dhalashada ka dib, ayay tiri cilmibaaristaasi.

Dumar uur leh oo kor u dhaafaya 3,600 oo ku nool Finland ayaa la waydiiyay daganaansho la'aanta maskaxeed ee ay soo mareen ka dibna carruurtii ay dhaleen ayaa dabo gal lagu sameeyay.

Dhakhaatiirta dhimirka ayaa sheegay in ay waajib tahay in dumarku ay helaan taageero caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah sida qaabka koriimaha, xaaladaha dhaqaale ee qoyska iyo murugada soo marta xilliga carruurnimada ayaa la ogaaday in ay ka qayb qaataan khalkhalka ku dhaca shaqsiyadda amaba ay arrintaas door ku lahayd.

Waa maxay khalkhalka shaqsiyadda ku dhaca?

Waa qayb ka mid ah shaqsiyadda qofka oo culays ku noqoto noloshiisa ama dadka kale.

Waxay noqon kartaa degaansho la'aan shucuurta ah, murugo xad dhaaf ah iyo dad la dhaqan la'aan.

Waxaa loo malaynayaa in khalkhalka ku dhaca shaqsiyadda uu saameeyo mid ka mid ah 20 ruuxba.

Waxayna u badan tahay in ay qabaan dhibaatooyin kale oo maskaxeed, sida murugo, isticmaal daroogo ama dhibaato dhanka khamriga ah.

Sida khalkhallada kale ee maskaxda ku dhaca, qaabka koriinka, dhibaatooyinka maskaxda iyo hidde sideyaasha ayaa door ka ciyaari kara in khalkhal uu ku dhaco shaqsiyadda.

Maxaa la sameeyay intii ay cilmibaaristu socotay?

Cilmibaaristan oo ay samaysay British Journal of Psychiatry ayaa dumarka uurka leh lagu waydiiyay heer ay gaarsiisnayd degenaansho la'aantooda maskaxeed ee soo wajahay bilkaste.

Dumarkan ayaa ku nool agagaarka magaalada Helsinki ee dalka Finland, carruurtooduna waxay dhasheen intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1976.

Markii ay carruurtaasi 30 jir noqdeen ayaa laga baaray khalkhal shaqsiyaddooda ku yimid, 40 baaritaan lagu sameeyay ayaana dhammaantood lagu arkay xaalado daran oo u baahan in isbitaal la geeyo. Carruurta ay dhalaan dumarka ay soo wajahdo daganaansho la'aan maskaxeed xiliga ay uurka leeyihiin ayay u badan tahay in ay soo wajahdo khalkhal shaqsiyadeed marka ay 30 jir gaaraan.

Xiliga uurka oo maskaxdu aysan daganayn waxay u badan tahay in ay saamayso shaqsiyadda canuga - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cilmi baaristu maxay degenaansho la'aanta maskaxda ka tiri?

Cilmi baaristan ayaa lagu ogaaday in deganaansho la'aanta badan ee maskaxda ama degenaansho la'aanta wakhtiga dheer jirta xilliga uurka in ay saamayn wakhti dheer daba socota ku yeelato carruurta.

Hooyooyinka ay soo wajahdo degenaansho la'aan maskaxeed oo siyaado ah ayay u badan tahay in carruurta ay dhalaan ay ku dhacdo khalkhal shaqsiyeed, 9.53 jibaar ayayna halistaas uga dhaw yihiin marka la barbar dhigo carruurta ay dhalaan hooyooyinka ay niyadoodu xasiloonayd.

Carruurta ay waalidkood soo wajahdo degenaansho la'aan niyadeed oo dhexdhexaad ah ayaa afar jibaar uga dhaw kuwa kale in ay soo wajahdo khalkhal shaqsiyadeed.

Degenaansho la'aantaas hooyooyinka soo wajahda ee dhibka keenaysa ayaa noqon karta dhibaato dhanka xiriirka ah, arrimo dhanka bulshada kaga yimaadda ama dhibaatooyin nafsi ah.

Maxay tahay dhibaatada ay keento degenaansho la'aanta maskaxda ee xilliga uurka?

Lama oga sida ay degenaansho la'aantu maskaxda ee dumarka uurka leh u kordhiso halista khalkhalka shaqsiyadda.

Waxaa laga yaabaa in ay la xiriirto isbadalka maskaxda ku yimid ama hideside la dhaxlay, ama waxyaabo kale oo la xiriira qaabka koriinka.

Cilmibaareyaasha ayaa isku dayay in ay si gaar ah u darsaan saamaynta ka dhalata degenaansho la'aanta maskaxda, iyaga oo isku dayay in ay xakameeyaan dhibaatooyinka soo darsa dumarka uurka leh sida kuwa maskaxda ku dhaca, iyaga oo fiirinaya in ay sigaar cabeen xilligii ay uurka lahaayeen ama ay soo wajahday murugo.

Cilmibaaris hore ayaa lagu ogaaday in xiriir uu ka dhaxeeyo degenaansho la'aanta maskaxda ee xiliga uurka iyo kor u kaca murugada iyo xanuunka maskaxda ku dhaca ee afka qalaad lagu dhaho schizophrenia.

Xiliga uurka oo maskaxdu aysan daganayn waxay u badan tahay in ay saamayso shaqsiyadda canuga - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa laga qaban karaa?

Dr Trudi Seneviratne oo ka mid ah masuuliyiinta Royal College of Psychiatrists ayaa sheegtay in xilliga uurku uu noqon karo mid wata degenaansho la'aan badan oo maskaxeed , sidaas daraadeedna ay hooyooyinku u baahan yihiin caawin.

"Haddii daganaansho la'aanta maskaxda aan lala tacaalin, waxaa badanaya fursadda uu ugu sii tallaabi karo umusha ka dib," ayay intaas ku sii dartay.

"Waa arrin ay xasaasi tahay in laga hadlo.

"Ma doonayno in waalidku ay u ka fikiraan in ay waxyeelo u gaysanayaan carruurtooda - balse degenaansha la'aanta badan ee maskaxdu saamayn ayay inagu yeelataa."

Waxay sheegtay in xarunta qaran ee caafimaadka England ee NHS ay sare u qaadday wax ka qabashada xanuunnada maskaxda ee xilliyada dhalmada.

Sidee loo dhimi karaa degenaansho la'aanta maskaxda ee xilliga uurka?

Waa in dumarka laga taageeraa guriga iyo shaqadaba inta ay uurka leeyihiin, isla markaasna la baraa qaabkii ay ku maarayn lahaayeen marka ay soo wajahdo degenaansho la'an maskaxeed, ayay tiri Dr Seneviratne.

"Waxay u baahan yihiin in ay bartaan in ay nastaan, in ay caawimaad waydiistaan isla markaasna cid uun kala hadlaan sida ay dareemayaan".

Waxaa kale oo lagu waaniyay in ay cunaan c*nto dheeli tiran, si joogto ah u seexdaan isla markaasna joojiyaan sigaarka, sida ay barahooda internetka ku qoreen the Royal College of Psychiatrists' iyo NHS UK.

Umusha ka dib sidee loo dhimi karaa degenaansho la'aanta maskaxda?

Ross Brannigan oo hoggaaminaya cilmibaarista isla markaasna ka tirsan Royal College of Surgeons ayaa yiri: "Cilmibaaristan waxay hoosta ka xariiqaysaa ahmiyadda ay leedahay in kaalmo caafimaad oo dhanka maskaxda ah iyo mid daganaansho la'aanta maskaxda ah la siiyo hooyooyinka uurka leh iyo qoysaskooda wakhtiyada uurka iyo dhalmada ka dib."

Umulisadaada ama dhakhtarkaagu waa in uu ku waydiiyaa in ay waligaa ku soo martay xaalad caafimaad oo dhanka maskaxda ah ama in aan niyad jab dareemayso marka aad umushay ka dib.

Markaas waa in xirfadleyaal caafimaad aad ka heshaa caawimaad si aad u maarayso dareenkaaga.

Xiliga uurka oo maskaxdu aysan daganayn waxay u badan tahay in ay saamayso shaqsiyadda canuga - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Merrill Bechtelar CPA

Last Updated:

Views: 6090

Rating: 5 / 5 (70 voted)

Reviews: 85% of readers found this page helpful

Author information

Name: Merrill Bechtelar CPA

Birthday: 1996-05-19

Address: Apt. 114 873 White Lodge, Libbyfurt, CA 93006

Phone: +5983010455207

Job: Legacy Representative

Hobby: Blacksmithing, Urban exploration, Sudoku, Slacklining, Creative writing, Community, Letterboxing

Introduction: My name is Merrill Bechtelar CPA, I am a clean, agreeable, glorious, magnificent, witty, enchanting, comfortable person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.